Shirweyne loogu Diyaar Garoobayo Xal-u-Helidda Duruufaha Dhaqaale ee Dalka Oo ka Furmey Hargeysa

Hargeysa(RH):-Shirweyne loogu diyaar garoobayo Xal u helidda duruufaha dhaqaale iyo waxsoosaar ee dalka ayaa ka furmey magaalada Hargeysa .

Shirwaynahan,ayaa diiradda lagu saarayaa qodobbo ay ka mid yihiin waxsoosaarka dhanka cuntada,ganacsiga iyo caqabadaha ka jira dhanka ganacsiga.

Wasiirka wasaaradda horunarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, oo guddoomiyey kulan-hawleed loogu gogol-xaadhayey shirweynaha dhaqaalaha heer-qaran ee xal-u-helida duruufaha dhaqaale ee dalka ayaa sheegay in xal loogu raadin doono Caqabadaha dhaqaale ee dalkeenu la wadaago caalamka.

 Dr Sacad oo ah Guddoomiyaha guddi-hoosaadka dhaqaalaha golaha Wasiirada ayaa sheegay in shirweynaha lagu falanqeyn doono duruufaha dhaqaale ee dalka iyo xalkii lagu furdaamin lahaa.

 Shirweynaha oo socon doona 10 illaa 12 Septemer ayaa ku soo beegmaya xilli dalku waajahayo duruufo dhaqaale ee caalamka ka jira, sida  sare u kaca qiimaha maciishada, saamaynta caabuqa Covid-19 iyo isbedelka cimilada, oo keenay abaaro soo noqnoqda iyo cunto-yaraan. Culaysyada kale ee gubashadii Suuqa Waaheen ku yeeshay ganacsigii dalka iyo caqabadaha kale waxay keeneen in la raadiyo xalkii si cilmiyeysan loogu gorfeyn lahaa.

 

Kulanka oo Wasiiradaha Qorsheynta, Tamarta, Beeraha, Guddoomiyaha Baanka dhexe, Wasiir-xigeenka Ganacsiga iyo masuuliyiin kale ka soo qeybgaleen ayaa Wasiirka Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire  oo ka hadlay sheegay in shirweynaha ay ka qeybgeli doonaan hay’adaha dawladda, ganacsiga gaarka loo leeyahay, dadweynaha iyo khubarada Jaamacadaha dalka.

“Qodobada u waaweyn ee shirku waa isku-filaanshaha cuntada, maalgashiga, tamarta, waxbarashada, kaabayaasha iyo beeraha.”

 

Category