Tallaalka Xanuunka Covid-19 Oo Maanta laga Daah-furey Somaliland

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19 oo dalka ka bilaabmay, waxana uu madaxweynuhu si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka covid-19.

Munaasibadda Daah-furka ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19, ayaa madaxweynaha waxa kala qayb-galay badiba xubnaha ugu sarreeya qaranka oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi-qaran, xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo agaasimeyaal guud, kuwaas oo dhammaantood qaatay dhibcaha tallaalka ee xanuunka covid-19.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa shaaciyey inay qaadashada tallaalku si rasmi ah u bilaabantay, laguna saleeyey qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay oo ay kaalinta koowaad leeyihiin dadka safka hore, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Maanta waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karoonaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaadhay, wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xanuunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da’da ah ama cudurada gaarka ah qaba.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada u caddeeyey inuu si rasmi ah u qaatay dhibcihii tallaalka, dunida oo dhammina isku raacsan tahay waxtarka tallaalkan iyo badqabkiisaba, isaga oo meesha ka saaray shakiga dadka qaarkii ka muujinayo,“Tallaalkii anigu waan qaatay, wax laga baqdona malaha, marka lagu durayona dareemi maysid gacantii in lagu duray iyo in kale, wax Alle iyo wax shaki ah oo uu leeyahana ma jirto, adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Bani’aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Category