Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Shir la Yeeshay Dhigiisa Taiwan

Hargeysa(RH):-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskhaasiga Caalamiga ah Dr Ciise Kayd Maxamuud oo kulan la yeeshay dhigiisa dalka Taiwan Dr. Jaushieh Joseph Wu, ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada wadan iyo arrimo kale.

Kulanka oo  ku qabsoomay hanaanka muuqaalka ayey ku wehelinayeen Wasiir Dr Ciise wakiilka Taiwan u jooga Somaliland iyo ka Somaliland u magacowday dalka Taiwan, halka Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan ay kulanka ku wehelinayeen Wasiir-xigeenka iyo madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan

 

Qoraal lagu baahiyey  Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa u dhignayd sidan;“Shir hanaanka muuqaal oo heer sare ah ayaa dhexmaray Wasiir Wu & Wasiirka cusub ee Somaliland Md Ciise Kayd Maxamuud. Labada masuul ayaa ka wada hadlay xidhiidhka adag ee Taiwan iyo Somaliland & hanaanka loo balaadhin lahaa.” Iyadoo la raaciyey,

“Waxaan sii wadaynaa inaan si wadajir ah u sameyno horumar dhab ah oo dan u ah dadka.”

Kulanka Wasiirada Arrimaha Dibedda ayaa imanaya xilli shalay Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Taiwan uu beeniyey qoraal Warbaahinta Shiinaha ka qoray xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Taiwan ayaa  cambaaraysay Wargeyska Global Times ee dalka Shiinaha oo faafisay warar been abuur ah oo ku saabsan Taiwan ka dib markii Wargeysku sheegay in Xisbiga Horumarinta Dimuqraadiga (DPP) ee xukuma dalka Taiwan uu laaluush siiyey siyaasiyiinta Somaliland.

Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Joanne Ou ayaa sheegtay in markii ay Taiwan iyo Somaliland is-dhaafsadeen xafiisyo dublamaasiyadeed, labada dawladood bilaabeen mashaariic iskaashi dhinaca Beeraha, Tiknoolajiyadda, Waxbarashada, Daawooyinka, si kor loogu qaado nolosha dadka Somaliland ayey tidhi Ou.

 

Category