Xarunta Maaraynta iyo Daraasaynta Xogta Dhulka iyo Biyaha oo laga Dhagax-Dhigay Hargaysa

Hargaysa(RH):-Xubno ka mid ah golaha wasiirradda Somaliland ayaa  si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha xarunta maaraynta xogta dhulka iyo biyaha oo laga hirgelinayo xarunta wasaaradda deegaanka ee maagaladda Hargaysa.

Xaruntani oo noqonaysa tii u horaysay oo nooceedda ah ee Somaliland  laga hirgeliyo waxaa wada isticmaali doona wasaarradaha deegaanka, biyaha, beerraha, qorshaynta, wasaaradda xanaanadda xoolaha, iyo ha"ayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.

Waxaana dhagax dhiga xaruntaasi ka soo qayb galay wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, wasiirradda wasaarradaha qorshaynta, biyaha beerraha, wasiir ku-xigeenka xanaanadda xoolaha, iyo guddoomiyaha haayadda u diyaar garowga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka.

Sidoo kale waxaa madashaasi ka soo qayb galay wasirka hawlaha guud dhulka iyo guriyaynta, masuuliyiin ka socday qaar ka mida haayadaha caalamiga ah, iyo kuwa qaramadda midoobay ee ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka iyo horumarinta Somaliland.

Muhiimadda ugu weyn ee ay xaruntani qaranka u qabanayso ayaa ah in shanta wasaarradood ee wada jirka u maamulayaa ay ururiyaan xogta la xidhiidha maaraynta xogta dhulka iyo biyaha, taasoo ay markii hore ururin jirtay haayadda SWLM.

Xaruntan maaraynta xogta dhulka iyo biyaha Somaliland ee la dhagax dhigay waxaa hirgelinteedda maalgelinaya ururka midawga Yurub, iyo haayadda qaramadda midoobay u qaabilsan cuntadda iyo beeraha ee FOA.

Hirgelinta xaruntani maaraynta xogta dhulka iyo biyaha ayaa shaqadda ugu weyn ee ay qaban doontaa ka kooban tahay laba arrimood. Kuwaasoo ay ka mid tahay in daraasado laga sameeyo dhulkeenu Juquraafi ahaan sida uu u kala duwan yahay, iyo sida uu u kala manfac roon yahay, iyadoo soo saari doonta daraasado ku qotoma arrimahaasi.

Sida ay sheegtay wasiirka deegaanka iyo horumarinta Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay munaasibadii dhagax dhiga xaruntaasi, isla markaana dhulka dhismaha xaruntaasi laga hirgelinayo ay wasaaradeedu bixisay.

Waxaanay tidhi, “Dhismahan aan maanta (shalay) dhagax dhigayno, waxay xanbaarsan tahay lab arrimood. Marka ugu horaysa in deraasad laga sameeyo dhulkeedu sida uu yahay, ee uu u kala duwan yahay. Dhulku wuu kala duwan yahay, waanu kaal sareeyaa, iyo siduu u kala manfac roon yahay, ayuu mashruucani deraasad ka samayn doonaa.

Arrinta labaad na waxa weeye, in deraasadaasi lagu ogaanayo maaynu biyo haysanaa? Ilaha biyuhu maxay yihiin? Sidee ayaynu biyaheena u qodanaynaa? Dhulkeena halka ay biyuhu ka dhaw yihiin, waa halkee, ee aynu biyo ka helaynaa?

Labadaa xogood ayuu mashruucani si weyn u xanbaarsan yahay. Waana labadda aynu maanta baahidda u weyn u qabno. In aynu dhulkeenna ogaanno, iyo in aynu biyaheenna ogaano”.

“Haddii xogtaasi la soo ururiyo, oo ay noqoto xog rasmi ah, waa xog aynu inaguna ku shaqayn doono. Hadaba xogtan yaa ku shaqaynaya? Xogtan waxaa ku shaqaynaya haayadaha dawliga ah, ayaa koow ka ah. Cidda labaad ee ku shaqaynaysaa, waa haayadaha maaliga ah iyo kuwa caalamiga ah. Bulshadeena ayaa iyaguna ka faa’iidaysanaysa, oo kala ogaanaya xogta dhulkeenna. Marka waa deraasado aynu si kastaba uga faa’iidaysan doono” ayay tidhi wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

Geesta kale waxaa iyagna halkaasi hadallo ka jeediyay xubno ka mid ahaa golaha wasiirrada Somaliland ee dhagax dhiga joogay, isla markaana qaybta ka ah hawlaha shaqo ee xaruntani, iyo sidoo kale xubno ka socday haayadda FOA.

Kuwaasoo dhamaantoooda soo dhaweeyay hirgelinta xaruntani sahaminta iyo cilmi baadhista dhulka iyo biyaha ee Somaliland, taasoo ay tilmaameen in ay qiimo weyn u leedahay dalka, isla markaana ay xukuumadu ka faa’iidaysan doonto.

Category