Xukuumada Jsl Oo ka Hadashay Ujeeddada laga leeyahay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda iyo isla-xisaabtanka Bulshada

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore) ayaa faahfaahin ka bixiyey Ujeeddada laga leeyahay Barmaamij halku dhig looga dhigay Bandhigga Waxqabadka Xukuumadda iyo isla-xisaabtanka Bulshada.

Barmaamijkan oo si toosa uga baxa warbaahinta dowlada, isla markaana ay qabato Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta JSL, ayaa habeenkii Jimcuhu soo galayo bulshadu su’aallo kala duwan ku waydiiyaan masuuliyiinta xukuumada Somaliland .

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleeban Yuusuf Cali (Koore) waxaa uu sheegay inuu ahmiyad weyn u leeyahay in dadweynuhu ay fursad u helaan xogogaal u noqoshada wixii ay dawladdu qabatay, xaqna ay u leeyihiin inay masuul kasta ay su’aallo waydiiyaan isagoo hor fadhiya.

 

Wasiir Saleeban Yuusuf Cali Koore oo furitaankii bandhigga 2aad ee barmaamijka hadal ka jeediyey, ayaa tilmaamay in looga golleeyahay in aan loo kala sheekaynin Xukuumadda iyo shacbigeeda.

“Waxaanu doonaynaa in aan xukuumadda iyo shacbiga loo dhaxaynin ee ay masuul kasta toos ula xisaabtamaan dadweynuhu. waxaanu doonaynaa inay dadweynuhu nala ogaadaan wixii aanu qabanay. xisbiyo badan baa tartamay, madaxweynaha la doortay. dadku xaqbay u leeyihiin inay ogaadaan oo la socdaan wixii ay qabatay xukuumaddoodu, waxaanan aaminsanahay inay tahay xukuumaddii ugu horraysay ee mashaariicda ugu badan ka fulisay miisaaniyadda” ayuu yidhi Wasiir Koore.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray inay barmaamujkan ka qaybgeli karaan dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay kamid yihiin aqoonyahanka iyo dadka indheer garadka ah. Waxaanu yidhi “Barmaamujka caawa (habeen hore) waa wasiirkii saddexaad. waxa idiin dhiman oo idin hor iman doona ilaa saddex iyo labaatan wasiir oo kale iyo masuuliyiinta hay’addo madaxbanaan oo tiro badan. Dadweynaha waxa laga rabaa inay la xisaabtamaan oo ay aqoonyahanka, waxgaradka, madaxdhaqameedyada, Haweenka iyo qaybaha bulshadu waa inay kamid noqdaan dadka xisaabtamaya ee Su’aalaha dawladda waydiinaya. waxaan leenahay aynu wada socono, aynu isla qabsano, yeynaan is-xaman ee aynu toos isula xisaabtano”

 

 

Category