Xulalka Gobolada Maroodi-jeex Iyo Daad-Madheedh Oo Libin Kala Caraabay Garoonka Hargaysa Studium

Hargaysa(RH):-Waxaa maalintii 4aad si habsamiya uga socda Garoonka Kubadda Cagta ee Hargaysa Staduim Tartankii Ciyaaraha Gobolada Somaliland  Waxaana  Maanta  wada Ciyaaray Xulalka Goboladda Maroodi Jeex,Saraar, Daad Madheedh iyo Xaysimo.

Ciyaarta Hore oo dhex martay Xulalka Goboladda Maroodi-Jeex iyo Saraar ayaa ahayd Ciyaar adag hasa yeeshee Ciyaar yahanka lagu Magacaabo C.kariin Maandeeq oo u Ciyaarayay Xulka Gobolka Maroodi Jeex ayaa goolkoodi kowaad u dhaliyey.

Sidoo kale Ciyaaryahanka Xulka Gobolka Maroodi Jeex ee Xamse C.qaadir ayaa keenay goolkii labaad.

Qaybtii labaad ee Ciyaarta ayaa Ciyaar yahanka Xulka Fadxi Najax ee Xulka Gobolka Maroodi jeex waxa uu u Saxeexay Goolkii 3aad ee Guusha waxayna Ciyaartu ku dhamaatay 3 Gool iyo Eber inkastoo Xulka Gobolka Saraar ay iska lumiyeen Gool ku laad ay heleen.

Dhanka Kale Xulalka Goboladda Daad Madheedh iyo Xaysimo ayaa ku kulmay Ciyaar adag .

Labada Xul ayaa soo bandhigay Hannaan ciyaareed farsamadiisu sarayso oo ku dhisan weerar iyo weerar celis hasa yeeshee Ciyaar yahanka Cabdi Coondhe ee u ciyaara Xulka Gobolka Xaysimo ayaa qaybtii hore ee ciyaarta u saxeexay xulkiisa goolkoodi kowaad ee madiga ahaa.

Markii la isugu soo noqday qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa labada xul ay la gole yimaadeen xeelad ciyaareed aad u wanaagsan.

Ciyaar yahanka lagu magacaabo Ayaanle Is qaniin ayaa Goolkii Kowaad ee barbar dhaca ahaa u dhaliyey Xulka Gobolka Daad Madheedh hasa yeeshee gaba gabadii ciyaarta ayaa Khalad ka dhacay gudaha diilinta 18-aad ee Xulka Gobolka Xaysimo ayaa Keentay in Gool ku laad xor ah loo dhigo gobolka Daad Madheedh waxaana fursadaasi ka faa’iideeyay Ciyaaryahanka Xamse Fabri gaas oo u dhaliyey Goolkii uu ku guulaystay Xulka Gobolka Daad Madheedh waxayna Ciyaartu ku soo dhamaatay 2 Gool oo ay guushu ku raacday Xulka Gobolka Daad Madheedh iyo Hal Gool oo ay la yimaadeen Xulka Gobolka Xaysimo.

Waxaa Beri oo Axad ah wada Ciyaari doona Xulalka Sool iyo Togdheer oo ku wada Jira Group D Iyo Badhan iyo Salal oo ku wada jira Group C .

 

 

Category