Yuu la kulmi doonaa MD Xasan Sheekh 15ka bishan JUNE?

Muqdisho (RH)-Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa doonaya in uu 15-ka bishan lakulmo, siyaasiinta taageersan ee safkiisa kujira ee ah Ururada iska diwaangaliyey doorashooyinka, isagoo kala hadlaya Doorasho qof iyo cod ah, waxaana diiday shirkan Siyaasiinta mucaaradka kale oo ay kala horkacayaan Farmaajo iyo Madasha Samatabixinta.

Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday shir aan ajende cadeyn, aan heshiis lagu aheyn, meelna aan looga tagin dhammaan wixii horey loo sameeyey iyagoo an heshiis siyaasadeed haysan.

22-ka bishan ayuu Madaxweynuhu u yeeray xubnaha Ururkiisa Cadaaladda iyo Wadajirka ee maamul gobaleedyada, isagoo markale kala hadlaya intii ay horey uga wada hadleen sannado kahor ee fashilantay Doorashooyinka.

Heshiiska ay dhinacyadan go’aamiyaan, ayuu MW Xassan Sh u sheegay guddoonka baarlamaanka, in golaha ay ka ansixiyeen, bishan June ayay ahayd in la qabto Doorasho deegaan, balse diwaangalinta ayaan lagu guuleysan, September oo ahayd qabashada doorasho madaxda DG oo ah qof iyo cod ayaan suuragal u muuqan.

W/Q: Faarax Cabdiqaadir Maxamed

Category