
RH Kolding: Waxaa magaalada Kolding ee dalka Denmark laga bilaabay mashruuc weyn oo loogu magac daray Design City. Waxaa dhismaha cusub laga dhisayaa xarun weyn oo baabuurta la dhigto (251 boos oo gaadiid ah), dukaanka cuntada ee Netto iyo hudheel cusub oo ka mid noqonaya silsiladda caalamiga ah ee B&B Hotels.
Mashruucan ayaa si rasmi ah u billowday bishan Abriil 2025, waxaana qorshuhu yahay in baarkinka iyo dukaanka Netto la dhammeeyo bisha May 2026. Hudheelka cusub oo ka koobnaan doona 107 qol ayaa la rajeynayaa inuu diyaar noqdo November 2026. Waxaa mashruucan maalgelineysa shirkadda Bjert Invest, iyadoo shirkadda DS Flexhal ay dhismaha qaabilsan tahay.
Waxaa mashruuca qayb ka ah sidoo kale waddo cusub iyo isgoys leh nalalka taraafikada oo laga bilaabi doono bisha Janaayo ee sanadka soo socda, kaas oo isku xiri doona dhammaan qaybaha cusub ee mashruuca Design City.
Mashruuca cusub wuxuu ku yaalaa meel muhiim ah oo magaalada Kolding ah, wuxuuna qeyb ka noqonayaa kobaca magaalada iyo soo jiidashada adeegyo cusub oo muhiim ah bulshada magaalada iyo dadka deegaanka.
Waxaa munaasabadda furitaanka si rasmi ah ugu qeyb galay duqa magaalada Kolding, Knud Erik Langhoff.