Akhriso 10 faa'id oo ku jirta baamiyaha iyo nafaqada ku jirta

Nairobi (RH)-Baamiyaha waxa uu ka mid yahay dhirta ubaxleyda ah wuxuuna ka tirsan yahay qoys dhireedka loo yaqaan Mallow, Muran ayaa kajira halka uu Baamiyuhu asal ahaan ka soo jeedo.

Baamiyuhu wuxuu ka baxaa dalalka kuleylada ah, dalalka kuleeyl xigeenada iyo gobolada ay cimiladoodu diiran tahay ee caalamka, 3500 oo sano ka hor ayaa la’ogaaday jiritaanka geedka Baamiyaha.

Magaca Seyniska ee Baamiyaha waa Abelmoschus laakiin magacyo badan ayuu leeyahay sida Okra, Okro, dalka Ingiriiska waxaa looga yaqaan Lady’s Finger, Spain waxaa looga yaqaan Guino-Gombe, Portugal waxaa looga yaqaan Guibeiro, Mareykanka waxaa looga yaqaan Gumb, Malaysia waxaa looga yaqaan Kacanga bendi, dalka Hindiyana waxaa looga yaqaan Bhondi gomba.

Faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo baamiyaha

Faa'iidooyinka caafimaad ee uu baamiyaha kuu leeyahay iyo nafaqada ku jirta

1. Wuxuu xoojiyaa lafaha : waxaa ku jiro fitamiin K oo ka qayb qaato samaysanka lafaha isagoo si kiimikaal ah (chemical) u gaabeeyo ama u aktiif (active) gareeyo borotiinada ka qayb qaato dhisida lafaha sida (osteocalcin) sido kale waxa kujiro calcium iyo Phosphorus.

2. Wuxuu ufiicanyahay dadka qabo xanuunka sonkorowga : War bixino caafimaad ayaa sheegaya in baamiyaha uu yareeyo xawaaraha sonkorta looga soo nuugo dheef-shiidka (low Glycemic Index) taasina ay caawiso in sonkorta dhiigga aysan aad ukicin.

3. Caafimaadka hooyada uurka leh : Baamiyaha waxaa ku jiro fitaamiinka Folate (folic acid) oo ka hortago caafimaaddaro ku timaadda ilmaha uurka kujiro muhiimna u ah hooyo walbo oo uur leh inay qaadato fiitaminkan. Waxaa sidoo kale ku jira Fitamin B6 oo aad muhiim ugu ah hooyada sababto ah waxa uu hoos udhigaa waxyeelada sogari kara dareemaha qaar, gaar ahaan kuwa maskaxda iyo lafdhabar ee canugga caloosha ku jira.

4. Baabmiyaha waxa u wanaagsan yahay aragga oo waxaa ku badan vitamin A.

5. Baamiyaha waxa uu ka hortaga calool fadhiga, sababtoo ah waxaa kujira Fiber lagu magacaabo Mucilaginous.

6. Wuxuu sidoo kale kor uqaadaa difaaca jirka : Baamiyaha waxa uu qani kuyahay vitamin C oo ka qayb qaata in waxyaalaha sunta jirka laga saaro .

7. Baamiyaha waxa waxa uu yareyaa Kalestrol-ka ama dufunka dhiiga.

8. Baamiyuhu wuxuu dhowraa caafimaadka Haraga (Maqaarka).

9. Waxu hoos udhigi kara xanuunada Wadnaha: Musileg(Mucilage) waa maada laga helo Baamiyaha. Waxa ay maadadani udhow dahay Gel ka(Sida xabagta) sida owgeed, waxay kudhageysa Kolestarolka ugu dambeyn waxa laso raaciya saxarada.

10. Baamiyuhu waxa ka hor tagaa cudurada kudhaca beerka.

Xigasho: BBC

Category