Ciidanka Ilaalada xeebaha Jsl Oo gacanta ku soo dhigay labo Taag oo si sharci daro ah Ku Soo galay biyaha badda Somaliland.

Berbera(RH):-Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland ee Gobolka Saaxil ayaa gacanta ku soo dhigay labo Taag oo ah nooca maraakiibta Soo xidha oo si sharci daro ah ugu soo xadgudbay biyaha badda Somaliland.

Ciidanka ilaalada xeebaha ayaa ku soo xidhay labadan taaga saldhiga ciidanka ilaalada xeebaha Berbera kadib markii ay dhaqdhaaqooda la socdeen ilaa 5-tii bishan iyagoo ku jiray biyaha Somaliland oo ay ka soo talaabeen xadka biyaha ee ay wadagaan Somaliland iyo jabuuti .

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha saldhiga Berbera Gaashaanle sare Haarun Siciid Cali ayaa sheegay inay labadan taag biyaha somaliland ka soo galeen xadka ay wadagaan Somaliland iyo  dalka jabuuti 5 bisha intaasi kadibna ay dhaq-dhaqaaq ka wadeen biyaha badda somaliland .

Ciidanka ayaa xusay inay labadan taag ka diiwan gashan yihiin wadanka Togo ee galbeedka Afrika, Waxaana Saaran 23 shaqaale ah oo u dhashay wadamo kala duwan .

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray in Shaqaalahaasi ay ka gaabsadeen inay Macluumaadkooda la wadaagaan ciidanka iyo waaxda faraca badda ee dekeda Berbera .

Labada taag ayaa lagu kala magacaabo Gladiator iyo  Hercules ayaa lagu baadhaya xarunta guud ee ciidanka uu ku leeyahay Berbera .

Category