Denmark: Sharci cusub oo baabuurta lagula wareegayo

RH: Sharciga cusub ayaa dhignaa sidan:Hadii aad gaadhiga ku kaxeyso xad laba jibaar ku ah intii jidkaas loogu talo galay , tuseele ahaan hadii aad 100 km/s  ku kaxeyso baabuurka meel  loogu talo galey in aan xawaaruhu ka sareyn 50 km/s  oo uu booliisku sidaas  kugu qabto waxaad mudaneysaa ugu yaraan labadan arimood

1-  in gaadhigii aad wadatey halkaas  lagaaga dajinayo, waxaana si toos ah ula wareegaysa dawlada xitaa hadii aad soo amaaneysatey ama aad soo kireysatay.

2.  Waa lagaa mamnuucayaa in aad gaadhi isteerinkiisa qabato mudo 3 sanno ah oo ka bilaabmeysa maalintaas.

Sharcigan ayaa ilaa hada lagu fuliyey baabuur badan waxaana runtii aad uga qeyliyey shariikadaha baabuurta kireeya iyo kuwa gaadiidkooda shaqada ay wadaan shaqaaluhu tusaale ahaan gaadiidka xamuulka.

 

Category