Faah-Faahin: Madaafiic ku dhacday magaalada Laasacaanood

Laasacaanood (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in magaalada ay maanta ku dhaceyn dhowr madaafiic, mana la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay illaa hadda.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa magaalada uu yar yahay, waxaana dadweynaha ay dareemayaan cabsi.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in bannaanka hore ee magaalada uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deeganka ah.

Dagaalka ka socda magaalada Laasacaanood ayaa geestay khasaaro naf iyo maal ah, waxaana jira dad badan oo magaalada ka barakacay.

Inta badan ganacsiyada magaalada ayaa xiran, waxaana dadka ay billaabeen in ay magaalada ka barakaceen.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category