Halkan ka ogow sababaha baajiyay fadhigii golaha wakiillada Somaliland

Hargeysa (RH)-Fadhigii Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanideeda ee Somaliland ayaa maantay u baaqday kooram la'aan.

Fadhigii Golaha Wakiillada ee Somaliland oo la filayey maanta in la horkeeno miisaaniyad sannaddeedka 2024-ka, oo horrey Madaxwayne Muuse Biixi u soo celiyey, ayaa u baaqday kooram la'aan, markii ay mudaneyaasha fadhigaas yimid ay gaari waayeen tiradii loo baahnaa oo ahayd 42 mudane.

Golaha Wakiilada oo toddobaadkii u dambeeyey la isku dayey in la soo hordhigo miisaaniyadda 2024-ka, ayey suurto geli wayday markii xildhibaannada mucaaradku ay soo xaadiri waayeen fadhiyadii la doonayey in miisaaniyaddaas lagu ansixiyo.

Golaha Wakiillada ayaa oddoroska miisaaniyadda 2024-ka ansixiyey bishii March horaanteedii iyaga oo wax ka beddel weyn ku sameeyey tii Xukuumaddu u soo gudbisay, balse madaxweynaha oo ka biyo diiday wax ka beddelkaas ayaa 17kii March dib ugu celiyey Golaha Wakiillada, isaga oo ku tilmaamay wax ka beddelkaas mid sharci darro ah oo aanay awood u lahayn.

Xildhibaannada mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ee Golahaas, ayaa si weyn ugu kala qaybsan soo celintan iyo go'aanka ay ka qaadanayaan, iyada oo kala qaybsanaantaas keentay in labadii bilood ee u dambeeyey la ansixin waayo miisaaniyaddaasi.

adhigii Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanideeda ee Somaliland ayaa maantay u baaqday kooram la'aanadhigii Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-banaanideeda ee Somaliland ayaa maantay u baaqday kooram la'aan

Xildhibaan Cabdikariim Maxamed Muxumed, oo ka mid ah Xildhibaannada muxaafidka ee Xisbiga Kulmiye, ayaa u sheegay BBC-da sababaha kooramku u buuxsani waayey ay tahay xildhibaannada mucaaradka oo qaarkood iman waayeen fadhigaasi, kuwaas oo ka war-wareegaya ansixinta miisaaniyadda 2024-ka.

"Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay isaga oo qodobo sharciga adeegsanaya, inuu soo celiyo. Xildhibaannada waxa xaq loogu leeyahay in soo celinta madaxweynaha diidaan ama ogolaadaan, laakiin xildhibaanno dano gaar ah leh ayaa ka warwareegaya" ayuu yidhi Cabdikariim Muxumed.

Xildhibaan Jamaal Cali Aadan, oo ka mid ah Xildhibaannada mucaaradka ayaa BBC-da u sheegay in ay doonayaan in miisaaniyadda 2024-ka, sidii Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen loo meel mariyo, madaama ay ku jireen, sida uu sheegay mashaariic Gobolka Awdal ah iyo Ciidammo 2000 gaaraya oo Gobollada Bariga Somaliland laga qoray, taasoo uu sheegay in xukuumaddu diidan tahay. "Waxaanu diyaar u nahay ansixinta miisaaniyaddii hore goluhu u ansixiyey oo ay ku jiraan mashaariicdii aanu ku darnay ee Gobolka Awdal iyo Ciidamada Madaniga ah" ayuu yidhi Xildhibaan Jamaal Cali Aadan.

Si kastaba ha ahaatee, miisaaniyadda 2024-ka ee Somaliland ayaa la isku mari la'yahay ansixinteeda, iyada oo sannadku kala bar yahay.

Xildhibaannada muxaafidka ayaan haysan aqlabiyad ay miisaaniyadda ugu ansixiyaan sida xukuumaddu doonayso, halka mucaaradkuna aanay haysan weli aqlabiyad ay dib ugu celiyaan miisaaniyaddii ay hore u ansixiyeen.

Xigasho: BBC

Category