Halkan ka ogow safarka uu Xasan Sheekh ku joogo Norway

Nairobi (RH)-Sida uu baahiyay raadiyaha dowladda, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo ee caasimadda dalka Norway, halkan oo ay uga bilaabatay booqasho shaqo oo saddex maalmood ah.

Wafdia madaxweynaah Soomaaliya, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda Norway, waxaana la filayaa in kulamo wadahdal uu la yeesho ra'iisul wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka labada dal.

Dhinaca kale, ilo ka tirsan xafiiska madaxweynaha, ayaa Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category