Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo cirka isku sii shareeray

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka soo horjeestay xilka qaadis uu Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sameeyay wasiirka amniga gudaha, Xasan Xundubeey.

Farmaajo ayaa sheegay in dastuurka kumeelgaarka ah ee dalka uu dhigayo “awoodaha Madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu xilka ka qaadayo Wasiirrada, Wasiiru-dawleyaasha, iyo Wasiir-ku-xigeennada, markuu soo jeediyo Wasiirka Koowaad.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in xil ka qaadista wasiirka amniga gudaha aysan ku imaanin sifo sharci ah, sidaas darteedna aysan dhaqan gal ahayn.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa xilka wasiirka amniga u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoo aan sheegin inuu xilka ka qaaday ama uu iscasilay wasiir Xundubeey.

Afhayeenka Xukuumadda, Maxamed Ibraahim Mucallimuu, oo warkan shaaciyay ayaa sheegay Ra'iisul Wasaaruhu uu u mahad celiyay wasiirkii hore.

Lama shaacinin sababta keentay in wasiirka xilka hayay laga baddalo.

Lama xaqiijinin in go'aankan uu ku yimid xil ka qaadis iyo iscasilaad midna.

Xigasho: BBC

Category