Kumuu ahaa sheekha caanka ah ee maanta geeriyooday?

Waddanka Urdun ayuu ku geeriyooday mid ka mid ah culimada ugu caansan Soomaaliya. Haddaba maxaa laga yaqaannaa taariikhdiisa iyo marxalado uu lasoo kulmay?.

Warbaahinta Soomaalida ayaa si wayn uga hadlay geerida sheekha iyo sida looga tacsiyeeyay, wax badanna waxaa laga sheekeeyay doorkii uu kasoo qaatay dadaalka fahamka diinta Islaamka loogu barayay umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Cali waxaa lagu tilmaamaa in uu ka mid ahaa culimadii ugu horraysay ee Soomaaliya keenay fikirka loo yaqaanno "Salafi" oo ujeeddadiisu tahay in dib loogu noqdo nidaamkii saxda ahaa ee Muslimiintii ugu horraysay.

Waxa uu saidoo kale Sheekhu ka mid ahaa aasaaseyaashii iyo hoggaamiyiyeeashii ugu horreeyay ee ururka caanka ah ee Al-Islaax, oo Soomaaliya saamayn wayn ku leh.

Muddo dheer waxa uu bare ka ahaa aasaaseyaashii Jaamacadda Burco. Muddooyinkii dambese waxa uu aad uga soo hor jeeday aragtiyaha xagjirka ah.

Ku dhawaad nus qarni ayuu Sheekh Cali ku howlanaa faafinta diinta Islaamka iyo la dagaallanka ficillada wax u dhimaya islaamnimada.

Waxaana la sheegay in Sheekha uu in muddo ah xanuunsanaa ka hor geeridiisa, da'diisuna waxay kor u dhaaftay 80 sano.

Kumuu ahaa Sheekh Cali Warsame?

Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad oo ka mid ah dadka ay sida wayn isu garanayeen ayaa BBC-da uga warramay taariikh nololeedka Sheekh Cali Warsame.

"Xilli ku beegan 1983-kii ayaan isbarannay Sheekh Cali Warsame. Waxaan geeridiisa uga tacsiyaynayaa umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda culimada," ayuu yiri Suldaan Yuusuf.

Waqti ku beegan 1939-kii ilaa 1940-kii ayuu Sheekh Cali Warsame ku dhashay miyiga gobolka Saraar, carruurnimadiisiina waxa uu kusoo qaatay baadiyaha.

1958-kii ayuu waxbarasho u aaday magaalada Diridhabo ee waddanka Itoobiya, isagoo halkaas ku maqan ayayna Soomaaliya xorriyaddeeda qaadatay oo la aasaasay dowladdii Soomaaliya, sida uu noo sheegay Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad.

Dalka ayuu dib ugu soo laabtay, waxa uuna halkiisa kasii waday waxbarashadiisa.

Dabayaaqadii 1960-meeyadii ilaa horaantii 1970-meeyadii waxa uu aaday dalka Sacuudiga oo uu ka bilaabay machad lagu barto culuumta islaamiga ah.

Muddo kaddib waxa uu ka qalin jebiyay Jaamacadda Islaamiga ah ee magaalada Madiina. Shahaadada heerka labaad ayuu markaas kaddib ka diyaariyay Jaamacadda Malik Sacuud ee isla dalka Sacuudi Carabiya.

1980-kii ayuu mar kale dib ugu soo laabtay dalka Soomaaliya oo uu ka bilaabay howlaha dacwada Islaamka iyo duruusta cilmiga.

Waxa uu noqday wadaadkii ugu horreeyay ee magaalada Burco ka bilaaba kutubta caqiiqada ka hadlaysa.

"Sheekhu markii uu dalka dib ugu soo laabtay waddanka waxaa aad uga hooseeyay dhanka caqiidada. Sheekhu durbadiiba wuxuu bilaabay sidii umadda caqiidada loogu sixi lahaa, oo ah in dadka Alle lagu xiro oo ay keligiis baryaan," ayuu yiri Suldaan Yuusuf.

Markii ay dowladdii kacaanka amartay in la soo xiro
Dhowr jeer ayay dowladdii kacaanka ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre xabsiga dhigtay Sheekh Cali Warsame, sida uu nooga warramay Suldaan Yuusuf Cabdi Cawad.

1986-ayuu ayay dowladdii kacaanka soo saartay amar lagu soo xirayo Sheekh Cali Warsame oo markaas kitaabka Saxiixul Bukhaari ka aqrinaya Majid, dadkii ku xirnaa cashirkiisana waxaa ka mid ahaa Suldaan Yuusuf, oo la hadlay BBC-da.

"Kitaabka wuxuu Sheekhu noo bilaabay 1984-kii, isagoo wali noo wada ayay 1986-kii dowladdii kacaanka ee xilligaas jirtay qaraar kusoo saartay in Sheekha iyo culimo kale la xirxiro.

"Subaxaas anigu goob joog baan ahaa, markii la ogaaday warka, isla markii uu sheekhu ka baxay kitaabka waxaa lagula taliyay in uusan gurigiisa ku noqonin oo uu horay ka baxo, islamarkaana raaco baabuurta Hargaysa ee basaska ah.

"Hargaysa ayuu maalmo ku dhuumanayay, jaddib Jabuuti ayuu u gudbay, wuxuuna usii baxay Sacuudiga. Habeenkii waxaa la galay gurigiisa, kutubtii iyo shahaadooyinkiisii ayaana sidaas lagu qaatay. Dowladdii Kacaanka Sheekha dhowr jeer ayay horay xirtay," ayuu yiri.

Sheekh Cali Warsame iyo Al-Shabaab

Markii ay Soomaaliya kasoo shaac baxeen ururka Al-Shabaab, Sheekh Cali Warsame waxa uu ka mid ahaa culimadii sida wayn uga soo hor jeestay fikirkooda, sida lagu shaaciyay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda Wararka ee Sonna ayaa tebisay in Sheekhan uu la kulmay hoggaamiyihii shabakadda Al-Shabaab ee gacan saarka la leh Al-Qaacida, Axmed Godane, uuna kala dooday "fikirka xagjirnimada".

Waxay Wakaaladdu sheegtay in Sheekh Cali Warsame uu ku jiray guddigii culimada ee 2009-kii la fariistay hoggaanka Al-Shabaab si ay ula hadlaan.

Waxaa kale oo la sheegay in uu dadaal ku bixiyay sidii uu miiska wadaxaajoodka isugu keeni lahaa Madaxdii dowladda ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya iyo hoggaanka Al-Shabaab.

Bishii February ee sanadkii 2012-kii, Sheekh Cali waxa uu sheegay in la joogay waqtigii ay dib u midoobi lahaayeen dhammaan dhinacyada ama firqooyinka Muslimiinta ah ee ku kala duwan fikirka.

Hadal uu ka jeediyay kulan magaalada Hargaysa ka dhacay 26-kii February, 2012-kii ayuu ku yiri: "Mas'uuliyad baa naga saaran inaan caddayno jidka toosan ee aan u aragno inuu yahay midka ku saxan dhanka diinta iyo dhanka siyaasadda labadaba.

"Imika waxaa la joogaa xilligii la isugu imaan lahaa hal meel, diinteenna iyo maslaxadeennaba waxay ku jiraan in Muslimiintu ay mid noqdaan."

Xiggasho: BBC

Category