Axmed Madoobe oo markii saddexaad loo doortey Jubbaland

Kismaayo (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in maanta doorasho halkaas ka dhacday in mar saddexaad loo doortey maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Sida guddiga doorashada ay sheegeen Axmed Madoobe waxaa doortey 55 xildhibaan oo ka tirsan xildhibaannada maamulka Jubbaland.

Waxaa la tartamay Axmed Madoobe labo musharrax oo kale kuwaasoo kala helay16 cod iyo 4 cod.

Doorashadan raali ka mahan dowladda federaalka, waxaana horrey u sheegtay in aysan aqoonsan doonin doorasho uu qabsado maamulka Jubbaland, maadama uu khilaaf ba'an uu soo kala dhex galay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Illaa hadda kama hadlin dowladda federaaalka doorashada saaka uu ku guuleystay Axmed Madoobe oo tan iyo markii la sameeyay maamulka Jubbaland uu madaxweyne ka ahaa halkaas.

Sidoo kale, beesha caalamka ee taageerta dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada federaalka ka midka ah, kama hadlin doorashadan.

Doorashadan waxaa ka horreysay doorasho kale oo uu mar kale ku soo baxay guddomiyaha baarlamaanka Jubbaland. Waxaa hadda dhiman doorashada madaxweyne ku xigeenada Jubbaland, mana cadda xilliga la qaban doono.
 

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category