
London (RH)-Garoonka diyaaradaha ee Heathrow ee magaalada London ayaa dib u billaabay shaqadiisa maanta oo Sabti ah, maalin kadib markii muddo uu ahaa koronto la’aan iyo in la xiro garoonka ugu mashquulka badan Yurub.
Maamulaha garoonka ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in garoonka Heathrow uu dib u billaabo shaqadiisa, laakin waxaa la arkayay dad caraysan, shirkado duulimaad oo dib uga dhacay jadwalkooda iyo siyaasiyiin walaacsan.
Garoonkan ayaa shaqadiisa joojiyay, kadib markii qayb ka mid ah uu dab qabsaday saqdii dhexe ka hor maalintii Khamiista, waxaana uu dabku ka kacay saldhig ku yaalla meel 3.2 KM u jirta garoonka, waxaana shaqaalaha dab-damiska ay ku qaadatay in ay xakameeyaan muddo 7 saacadood ah.
Maamulka ayaa sheegay in aysan helin wax cadeymo ah oo muujinaya in dabku uu ahaa mid ula kac ah, waxaana weli socda waxa sababay dabka.
Garoonka diyaaradaha Heathrow ee magaalada London ayaa shalay oo Jimce ahayd lagu waday in ay ka duulaan 1,351 duullimaad, kuwaas oo siday ilaa 291,000 oo rakaab ah, hase yeeshee diyaaradahan ayaa loo weeciyay garoomo kale oo ku yaala dalka Ingiriiska iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub.
Gegida diyaaradaha ee Heathrow waxa uu duullimaadyo ku taga diyaarado ka socda illaa 80 wadan, waxaana sannadkii ka soo dega ama ka duula 83 milyan oo rakaab ah.
Radio Hormuud
Studio 3
Nairobi Kenya