Muqdisho oo laga dhisayo garoon diyaaradeed oo cusub

Muqdisho(RH)-Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay in ay socdaan qorshe Magaalada Muqdisho loogu dhisayo garoon cusub oo qaabilsan duulimaadyada diyaaradaha

Axmed Macalin Xasan ayaa xusay in dhismaha garoonka diyaaradaha oo laga hirgalin doono Ceel-macaan uu fududeyn doonto in laga boxo ciriiriga iyo dhibaatooyinka kale ee hadda ka jira garoonka diyaaradaha ee Aden Adde.

Maareeyaha ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu hirgalin doono dhismaha garoonkaas,isagoo tilmaamay in la soo gabagabeeyay sahan socday muddo shan sano ah oo lagu ogaanaayey jawiga iyo badqabka halka lag dhisayo garoonka ee Ceel-macaan oo ah meel ku habboon adeegga diyaaradaha.

Xigasho:

Category