Natiijadii Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil iyo Golaha Deegaanka Degmada Berbera Oo la shaaciyey

Berbera(RH):-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ku dhawaaqay natiijada hordhaca ah ee Doorashadii Golaha Wakiillada ee Gobolka Saaxil iyo golaha deegaanka degmada Berbera waxaanay Sadexda Xisbi qaran ee Somaliland kala heleen sidan:

 

Golaha Wakiilada Gobolka Saaxil

Xisbiga Kulmiye 4 Xildhibaan

Xisbiga Waddani 3 Xildhibaan

Xisbiga Ucid 3 Xildhibaan

Wadarta guud ee Golaha wakiilada laga doonayay gobolka saaxil inay ka soo baxaan ayaa ah 10 xildhibaan

Sidoo kale Xildhibaanada golaha deegaanka degmada Berbera ayaa ay xisbiyadu kala heleen

Xisbiga Kulmiye 6

Xisbiga Waddani 4

Xisbiga Ucid 3

Bulshada somaliland ayaa aad ugu dhegtaagaysa  natiijada hordhaca ah ee Golaha Wakiillada ee Gobolka Maroodi-jeex iyo golaha deegaanka degmada Hargeysa oo aad looga dhul-sugayo maadama oo ay tahay halka ay ku kala hadhayaan Xisbiyada qaranku 

Category