Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Shacabka Ku Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxaha Awgeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidal-Adxaha ee sannadka Hijriyada Islaamka ee 1443-ka oo maalinta berri ah ku beegan, waxaanu madaxweynuhu u rajaynayaa shacbi weynaha in sannadkan sannadkiisa ay ku gaadhaan bash-bash barwaaqo, nabad iyo caano.