R/W Rooble oo ku wajahan dalka Sacuudiga + Ujeedka

Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee xukuumadda Soomalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu booqasho rasmi ah ku tego boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu casuumaad ka helay.

Wararka ayaa sheegaya inuu ra’iisul wasaaraha uu soo Cumreysanyo maalmaha ka dhiman Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu ra’iisul wasaare Rooble kulamo la qaadan doono madaxda sare ee dalkaas, isla-markaana uu kala hadli doono xiriirka labada dal.

Sacuudiga ayaa dhawaan qaaday xayiraaddii dhinaca socdaalka caalamiga ah, ka gadaal markii uu sameeyey cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Safarka Rooble ayaa kusoo aadayo, xilli ay u taallo shaqo adag oo ay ugu horreyso qabashada doorashooyinka Soomaaliya ee 2021-ka.

Si kastaba safarkani ayaa noqon doono kii sadexaad ee uu ambabaxo Rooble tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’isul-wasaaraha, isagoo horey booqasho ugu tegay Qatar & Kuweyt

 

xigasho caasimada.net

 

Category