Sawirro: Muqdisho oo maalintii labaad ay ka socoto diiwangalinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socota diiwangalinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in ay dhacdo 15-ka bishan May.

Musharrixiinta ayaa iska diiwangalinaya xafiiska ay lee yihiin guddiga isku dhafka ah ee labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhex taalla Aqalka Sare ee baarlamaanka.

Illaa 10 musharrax ayaa maanta is diiwangaliyay, waxaana ka mid ah madaxweynihii horre ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Cabdi Maxamed kuusow, Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi),Cabdi Aadan Hoosow,Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn),Jamaal Axmed Ibraahim,iyo ra'iisal wasaare ku xigeenkii horre ee Soomaaliya isla markaana soo noqotey wasiirkii horre ee arrimaha dibadda Fowziya Xaaji Yuusuf oo noqotey haweeneyda kaliya ee illaa hadda isku soo tegtay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Muqdisho oo maalintii labaad ay ka socoto diiwangalinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha

Muqdisho oo maalintii labaad ay ka socoto diiwangalinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha

Muqdisho oo maalintii labaad ay ka socoto diiwangalinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynahaMuqdisho oo maalintii labaad ay ka socoto diiwangalinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynahaMuqdisho oo maalintii labaad ay ka socoto diiwangalinta musharrixiinta u taagan xilka madaxweynaha

Illaa hadda inta la ogyahay ee is diwaangaliyay musharrixiinta ayaa gaaraya 25, waxaana ku jirta hal gabar oo ah Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan oo horrey u soo noqotey ra'iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya.

Sidoo kale, Fowziya waa guddoomiyaha xisbiga Hiigsi oo ay mideysan yihiin xisbiyo badan.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in si rasmi ah u shaacin doonaan tirada musharrixiinta isku soo teegay xilka madaxweynaha habeenka Arbacada, waxaana la filayaa in maalinta Axadda ee soo socota in la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category