Sawirro: Safarka Maxamuud Cali Yuusuf uu ku yimid Muqdisho

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta barqadii ka soo degay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yusuf.

Wafdiga waxaa  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Soomaaliya.

Imaatinka Maxamuud Cali Yuusuf ayaa lagu sheegay in ay tahay booqasho shaqo ayna u jeedkeeda uu yahay sidii dowladda Soomaaliya uu ugala arrinsan lahaa arrimaha amniga oo ay ku jirto hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika.

Maxamuud Cali Yusuf ayaa sheegay in booqashadiisa Soomaaliya oo ah dalkii ugu horreeyay ee uu booqdo Qaaradda, tan iyo markii xilka loo doortay ay muujineyso ahmiyadda gaarka ah ee Midowga Afrika uu siinayo Soomaaliya.

Guddomiyaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamsa Cabdi Barre.

uddoomiyaha Midowga Afrika iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdishouddoomiyaha Midowga Afrika iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho


 

uddoomiyaha Midowga Afrika iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

 

Category