Sawirro: Soomaaliya oo markii ugu horreysay la filayo in ay yeelato Mufti Guud

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirweynaha culimada Soomaaliyeed, waxaana shirkan looga hadlayaa siddii culimada ay u yeelan lahaayeen gole ay ku mideysan yihiin, kaasoo ugu dambeen iska doorta Muti, waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay yeelato mufti Guud.

Culimada shirka joogta waxaa ka mid ah kuwa ka yimid gobollada dalka,sidoo kale waxaa jira kuwa ka yimid waqooyiga Maraykanka,Ingiriiska iyo meelo kale oo ka mid ah dunidda.

Shirkan waxa uu soo gabagaboobi doonaa maalinta Khamiista, waana shirkii saddexaad noociisa ah oo lagu qabto Muqdisho.

Labadii shir ee horre ayaa la qabtey sannadihii 2013-kii iyo 2015kii, laakin ahmiyadihii loo qabtey shirarkaas oo ahayd in la sameeyo golle ay ku mideysan yihiin culimada lagama gun gaarin, mana cadda in shirkan sidoo kale ay culimada ku yagleeli doonaan golle ay ku mideysan yihiin.

Si kastaba, madaxweynaha ayaa oo shaley shirka furay ayaa ka codsaday culimada in shirkan ay ku doortaan gole ay ku mideysan yihiin oo saara Fatwooyin iyo go’aamo masiiri ah oo ku saabsan arrimaha Islaamka.

Shirkan shaley furmay ayaa ku soo beegmay iyadoo 48 sanno ay ka soo wareegaatay markii la dilay culimaa’udiin ka dhiidhiday Xeerka Qoyska ee dowladdii Kacaanka.

Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirweynaha culimada SoomaaliyeedMagaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirweynaha culimada SoomaaliyeedMagaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shirweynaha culimada Soomaaliyeed

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category