
Kolding, 27 Maarso 2025 – Labo shaqaale oo ka tirsan xarunta gaarka ah ee Bramdrup Skole, kolding (Special center) , ayaa si xun loogu weeraray gudaha iskuulka, taasi oo keentay dhaawacyo halis ah oo ay u baahdeen daryeel caafimaad, islamarkaana keentay in midkood shaqada ka tago.
Labada weerar ayaa dhacay bishii November iyo December ee sanadkii hore, waxaana fuliyay labo arday oo da’doodu ka hooseyso 15 sanno – kuwaasoo wali aan gaarin da’da mas’uuliyadda dambiyada ee sharciga Denmark.
Warbixin cusub oo kasoo baxday hay’adda ilaalinta badqabka shaqaalaha, ee loo yaqaan Arbejdstilsynet, ayaa si faahfaahsan u sharraxaysa sida weerarradaasi u dhaceen iyo xaaladda ardayda weerarka qaaday, midkoodna lagu tilmaamay inuu horey u muujinayay calaamado argagixisanimo iyo xiiseyn uu u qabay rabshado ay ka mid yihiin toogashooyin ka dhaca iskuullo.
Weerarkii koowaad wuxuu dhacay 20-kii November, halkaasoo ardayga weyn oo loo yaqaanay inuu yahay qof si fudud u xanaaqa uu si ula kac ah walax ugu dhuftay nin shaqaaleah saddex jeer, isagoo adeegsanaya dhalo biyo ah oo weyn. Shaqaalihii la weeraray ayaa la xusay inuu maqalka ku dhaawacmay, islamarkaana uu muddo dheer ka maqnaa shaqada.
Ardaygaasi ayaa ka hor weerarka muujiayay daneyn uu u qabo hubka iyo sidoo kale sawir uu sameeyay oo ku saabsanaa weerarro lagu qaado iskuullo. Waxa kale oo uu shaqaalaha weeraray u jeediyay hanjabaado kale xilli dambe.
Weerarkii labaad ayaa dhacay 12-kii December, markaas oo arday kale, oo isagana ah mid weyn jir ahaan, uu weerar xun ku qaaday haweenay shaqaale ah. Ardayga ayaa si lama filaan ah ugu soo orday shaqaalaha, isagoo jiiday timaha, kadibna dhulka ku tuurey, wuxuuna si xun ugu dhaawacey wejiga iyo jirka. Shaqaalihii la weeraray ayaa la xaqiijiyay inay ka jabi wayday sanka balse uu dhaawac daran soo gaaray, sidoo kalena lugta ay ka cad go'dey. Dhibaatooyinkaas ayaa keentay in ay shaqada ka tagto gebi ahaanba.
Labada arday ayaa la geeyay Ungdomskriminalitetsnævnet, oo ah guddi gaar ah oo xalliya kiisaska carruurta iyo dhalinyarada danbiyada gala, waxaana lagu soo rogay tallaabooyin gaar ah oo la xiriira daryeel iyo dabagal.
Maamulaha iskuulka Bramdrup, Jens Baj Madsen, ayaa ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo dhacdooyinka gaarka ah ama xaaladda ardaydaasi, hase yeeshee wuxuu tilmaamay in iskuulka uu mar walba qiimeeyo haddii falalka qaar la gudbiyo booliiska, wuxuuna hoosta ka xariiqay in iskuulka uu mas’uul ka yahay sidii loo dabooli lahaa baahiyaha ardayda gaarka ah.
Arbejdstilsynet ayaa ugu dambayn soo jeediyay ammar degdeg ah oo lagu adkeynayo in la qaado tallaabooyin si looga hortago falal kale oo rabshado ah oo ka dhaca xarunta, maadaama ay arkeen in nidaamyada hadda jira aysan ku filnayn badbaadada shaqaalaha.
Wariye: Lotte Højstrøm. ka tirsan Jv.dk
Tarjumaada : Mohamed-Amiin .Radio Hormuud – Kolding