Shir Lagaga Hadlayo Habka Ay Maraan Lacagaha Ganacsiga Ee Dalka Ka Baxa Iyo Kuwa Soo Gala Oo Hargeysa Ka Furmey

Hargaysa(RH):- Xubno ka mid ah Gollaha Wasiiradda Somaliland oo uu weheliyo gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland iyo hay’adaha maaliyadeed ee dalka ayaa ka qayb galay shir lagaga hadlayo caqabadaha ka jira habka ay maraan lacagaha ganacsiga ee dalka ka baxa iyo kuwa soo gala.

Shirka waxa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Baanka dhexe, Wasiirka Wasaarada Maaliyada, Wasiirka Wasaarada Maalgashiga, Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga, Gudoomiyayaasha Baananka gaarka loo leeyahay, Ururka Xawaaladaha dalka, Ururka Baananka Gaarka ah iyo Shirkada DP World.

Intii uu socday shirku waxa dood dheer iyo falanqayn laga yeeshay caqabada ku gadaaman lacagaha dibada loo diro, iyadoo ugu horayn halkaas lagu soo bandhigay daraasad uu Baanka Dhexe ka sameeyay habka iyo hanaanada ay maraan lacagaha dalka ka dhoofa iyo kuwa soo gala.

Dhinaca waxa kasoo qayb galayaasha shirku ay falan qeeyeen caqabadaha iyo xalalka haysta bahda maaliyada dalka oo ay ku jiraan Baananka iyo Xawaaladuhu.

Wasiiradda Wasaaradaha Maaliyadda iyo Maalgashiga Iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga oo halkaas ka hadlay ayaa Sheegay in Shirkani ahmiyad balaadhan u leeyahay dalka isla markaana loo baahan yahay in Baananku ay xoojiyaan Xidhiidhkooda.

Gebo-gabadii shirka waxa la isla qaatay in guddi farsamo loo saaro ka shaqaynta horumarinta hab maaliyadeedka iswaydaarsiga lacagaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxaya.

Guddidaas oo ka kooban 9 xubnood oo ka kala socda daneeyayaasha arimaha maaliyada

 

Category