Shirka Wada-Tashiga Iyo Ansixinta Siyaasaddaha Qaranka Oo Ka Furmey Hargeysa

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ka furtay shirka wada tashiga iyo ansixinta siyaasadda qaran ee qorshaynta iyo qabyo-qoraalka xeerka qorshaynta qaranka.

 Shirkan waxa ka soo qaybgalay mas’uuliyiinta waaxaha qorshaynta ee wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda, kuwaas oo qayb ka ahaa samaynta siyaasadda iyo xeerkaasi, waxaana halkaasi ka hadlay maamulaha mashruuca dib u habaynta shaqaalaha dawladda Cabdi Aadan oo ka warbixiyay maraaxilkii hawshaasi soo martay iyo waxyaabaha laga filayo in siyaasadda iyo xeerkani ka caawinayaan dawladda.

 Waxa uu sheegay in la helo siyaasad iyo xeer loo raaco marka qorshe la samaynayo qaranka muhiimad gaar ah u leh oo dawladdu ay hesho qorshe laga baaraan degay, lana jaan qaadaya kuwa caalamiga ah, sidoo kale ay ka caawin doonto wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu in ay dejiyaan miisaaniyad ku dhisan qorshe la dejiyay miisaaniyadda ka hor.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Maxamed Geeddi Caynaanshe oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wixii imika ka dambeeya ay u fududaan doonto Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu in ay dejiso miisaaniyad qaran oo ku dhisan qorshe ku salaysan siyaasadda horumarineed ee qaranka iyada oo ay caddahay habka loo samaynayo qorshayaasha qaran ee ay dejinayaan wasaaradaha iyo hay’adaha dawladdu.

 

Ugu dambayntii, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Cabdiqaadir Cumar Jaamac oo si rasmi ah shirka u furay ayaa soo dhaweeyay siyaasadda iyo xeerkan la sameeyay isaga oo u mahadnaqay cid kasta oo ka shaqaysay labadan nuqul.

Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay in siyaasadda iyo xeerkani ay si gaar ah muhiimad ugu leeyihiin Wasaaradda Qorshaynta maadaama iyadu ay tahay ta qaranka u qaabilsan arrimaha qorshaynta qaranka in maanta la helo siyaasad iyo xeer loo raaco qorshayntuna ay wax wayn ka beddeli doonto hannaankii qorshaynta qaranka loo marayay.

 

Category