Somaliland: Askari dhawaan askari kale ku dilay Lawyacaddo oo dil lagu xukumay

Maxkamada Darajada Kowaad ee Ciidanka Millateriga Somaliland, ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo Arbacadii toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe.

Askariga dilka gaystay iyo askariga la dilay ayaa ka wada tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, isla markaana dilka caynaashe ayaa  sababay mudoharaado ka dhacay gobolka Awdal oo uu kasoo jeeday.

Kadib maalmo bulshadu ay ku baaqaysay in cadaalada la horgeeyo askariga dilka gaystay maanta ayaa si rasmi ah dil loogu xukumay, iyada oo ay ka garnaqday maxkamada ciidamadu.

Millateriga Somaliland ayaa hore u go'aamiyay in la dilo askari kasta oo askari kale dila, si loo yareeyo askarta askarta disha, oo soo badanaysay sannadihii u danbeeyay.

Sannadihii u danbeeyay saraakiil badan oo ka tirsana ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa ku baxay gacanta askar kamid ah isla ciidanka, kuwaasi oo xukuno dil u badan laga soo saaray.

Category