Somaliland Iyo Taiwan oo ka Wada-hadlay Ka midho-dhalinta Cilaaqaadkooda

Hargeysa(RH):-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ayaa sheegay inuu dawladda Taiwan kala hadlay sidii looga sii wada faa’iidaysan lahaa iskaashiga saaxiibtinimo ee u dhexeeya labada dal.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay inuu kala hadlay Wasiir Dr Joseph Wu, ee Taiwan dhinacyadda muhiimka ah ee labada wadan iska kaashan karaan iyo sida sare loogu qaadi lahaa xidhiidh faa’iido u leh labada dhinac.

Wasiir-xigeenka Arrimaha Dibedda JSL ahna sii hayaha xilka Wasiirka Md Liibaan ayaa waxaa uu   sheegay inuu kulan khadka muuqaalka la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Taiwan, oo ahaa mid wax ku ool ah la xidhiidhay aagaga muhiim ah oo iskaashi waxtar leh oo ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Taiwan.

Dhinaca kale, Fariin lagu baahiyey barta Twitter ee Wasaaradda Arimaha Dibedda Taiwan ayaa lagu sheegay in “Wadahadalladu ahaayeen kuwo ballaadhan, oo ku saabsan mowduucyo muhiim ah sida  mashaariicda iskaashiga ee Somaliland iyo Taiwan wadaagaan, dedaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo xanuunka COVID19 & hanaanka sarre loogu qaadayo xidhiidh labada dhinacba faa’iidada u leh.

 

 

Category