Urur siyaasadeed ay ku midaysan yihiin madaxda DFS iyo qaar ka mid ah maamul gobolleedyada

Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay garab taagan yihiin madaxda dowlad-goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada ku dhawaaqaan urur-siyaasadeed cusub oo la magac baxay Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (Justice and Solidarity Party – JSP). Sida laga fahmayo xogaha laga helayo Villa Soomaaliya, ururkan cusub ayaa noqon doona mid ay dowladda u aragto in uu yahay marin ay ku gaarto doorashada qof iyo cod oo si weyn ay uga soo horjeedaan mucaaridka, Puntland, iyo Jubbaland.

Ururkan ayaa lagu tilmaamay mid aan sal iyo raad toona ku lahayn dimuqraadiyad dhab ah, balse yahay qorshe siyaasadeed laga soo dhoofiyay Itoobiya iyo Jabuuti, halkaas oo xisbiyo keli ah lagu qasbo in ay mideeyaan dhammaan awoodaha dowladda iyo dawlad-goboleedyada. Tusaalaha ugu dhow ayaa ah xisbiga Prosperity Party ee uu dhisay Abiy Axmed, kaas oo noqday qasab in la iska diiwaan geliyo, lana mideeyo dhammaan mas’uuliyiinta dowladda dhexe iyo kuwa gobollada.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu sidoo kale sameeyo isbeddello cusub oo xukuumadda ah, isagoo lagu wado in uu ku kordhiyo saddex wasiir oo cusub– tilaabo lagu dhisayo nidaam xukuumadeed oo ballaaran, balse aan lahayn isla xisaabtan iyo matalaad dhab ah oo shacabka ka turjumeysa.

Su’aasha weyn ee taagan ayaa ah: xaggee ayay Soomaaliya ku socotaa? Ma wuxuu rabaa Xasan Sheekh dawlad kelitalisnimo ku dhisan oo xoog ku maquunisa mucaaradka, xorriyatul qowlka, iyo dowlad-goboleedyada Dalka?

Sida muuqata, Madaxweyne Xasan Sheekh maaha mid u socdo dhanka midnimo iyo hufnaan siyaasadeed, ee wuxuu dhisayaa carshigii kaligii-taliska ku dhisnaa, isagoo ka faa’iideysanaya burburka siyaasadeed ee dalka si uu u abuuro nidaam xoog lagu ilaaliyo oo aan cidina wax ka weydiin karin.

W/Q:Cabdijaliil Cusmaan

Category