WARARKII UGU DAMBEEYAY : DIBU HABEYNTA XAAFADAHA SKOVPARKEN /SKOVVEJEN.

RH: Dhawaan ayaa la dumin doonaa guryaha, oo waxaa la bilaabi dibu habeynta lanashqadeeyey iyo isbedalka weyn ee lagu sameynayo xaafadii hore uahayd ghetto-da. Dhammaan dadka degan qaybahaas la duminyo dib ayaa loo dajindoonaa goobo cusub inta shaqadu socoto. Waxaa loo qoondeeyay 41.4 milyan oo kr. dib u dejinta iyo kirada luntay  beddelkeeda.

Kolding: Skovparken oo loo beddelayo xaafad cusub oo casri ah.

Siyaasiyiinta guddiga qorsheynta iyo farsamada ee golaha deegaanka waxay si wadajir ah u ogolaadeen dhaqaalaha mashruuca  iyo in AAB Kolding/ ama shariikada (Bovia) loo ogolaado in ay qaataan deyn kudhow 800 milyan oo koron si loo beddelo aagga xaafada iyo guryaha laftooda.

Deymahan waxaa damaanad qaaday degmada Kolding, waxaana ogolaadey siyaasiyiintu iyaga oo  shardi  kadhigay in (Bovia) ay hadda fasaxaan qandaraasyada dhismaha iyo shaqaalaha hawsha fullinaya.

Mustaqbal cusub oo dhan Qorshaha guud ee la ogolaaday wuxuu ka kooban yahay mustaqbal cusub oo dhamestiran oo Skovparken ay yeelan doonto oo leh adeeg-waayeel, guryo si sahlan loo heli karo iyo dib-udayactirid iyadoo la marayo wajiyo kala dambeeya . Intaas waxaa sii dheer,  in ay Kolding Kommune ka dhisayaan xaafada cusub gudaheeda  xarunta  daryeelka waayeeka oo ka koobnaan doonta  60 sariirood  kuna ooli doonta agagaarka guryaha.

Qorshaha guud wuxuu hoos  udhigidoonaa 544-ka guri ee qoysasku hada deganyihiin ilaa 40 boqolkiiba iyada oo la iibinayo saddexda dhisme ama baloog oo ka kooban  93 guri oo laga iibiyey iibsadayaal madax banaan, waxaa la dumindoonaa 74 guri waxaana ladhisi doonaa 55 guri  iyo xarun waayeel cusub. Intaas waxaa sii dheer, 55 guri oo qoys ayaa loo beddeli doonaa guryaha dhalinyarada, waxaana goobta soo galidoona guri cusub oo lagu kulmo  iyo dukaan laga adeegto (Rema1000).

Dhammaan 217 guri ee aan  la dumim , dibu habeyn ayaa lagu sameyn doonaa oo gidaarrada bannaanka iyo saqafka waa la dayactiri doonaa.

Dhammaan dadka deggan qaybaha la dumin doono dibu dejin ayaa loo sameyn doonaa.

Waxaana loo qoondeeyay 41.4 milyan oo kr. dib u dejinta iyo kirada luntay beddelkeeda.

 

Category