Warrarkii ugu dambeeyay ee dagaalka weli ka socda Laascaanood

Laasacaanood (RH)-Warrarka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, ayaa sheegaya in saaka subixii hore uu dagaal halkaas ka bilawday jihada wadada looga baxo dhinaca Burco, dagaalkaas ayaa la sheegay in la isu adeegsanayay hub culus.

Rasaasta ayaa weli laga maqlayaa magaalada, wararka ayaa sheegaya in meelo badan oo magaalada gudaheeda ah ay ku soo dhaceen hubka gaar ahaan aaga isbitaalka.

Ilaa hadda wax faahfaahin ah kama aanan helin isbitaalada magaalada balse goob jooge ayaa BBC u sheegay in dhawaaqa ambalaasta qaadaysa dadka waxyeelada ay soo gaareen aad loo maqlayay.

Dhinaca kale, dhowr madfac ayaa maanta ku dhacay cisbitaalka guud ee magaalada Laasacaanood, xilli bannaanka magaalada ay ku dagaallamayaan ciidanka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida ee Somaliland iyo maleeshiyaad deegaanka ka soo jeeda, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen hawlwadeennada caafimaadka ee cisbitaalkaas.

Muuqaallo laga soo duubay cisbitaalka ayaa muujinaya burbur baahsan oo ka dhalatay duqeynta. Dhanka kale, Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka ay ku soo biireen taliyayaal ciidan oo ka tegay Muqdisho, walow aysan faahfaahin ka bixin arrinkaas.

Dr Axmed Cabdirisaaq Axmed waxa uu kamid yahay dhakhaatiirta ka hawlagala cisbitaalka maanta ay madaafiicdu ku dhaceen, gaar ahaan waxa uu ka hawlgalaa qeybta xaaladaha degdegga ah, waxaan goor dhaweyd weydiinay sida ay wax u dhaceen.

Xigasho: BBC

Category