Weriye Cumar Seerbiya oo lagu xiray Madaarka Hargeysa

Nairobi (RH)-Weriye Cumar Seerbiya ayaa lagu xiray garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa halkaasoo maanta duhurkii uu ka degay.

Weriyaha ayaa ka yimid magaalada Muqdisho oo dhowrkii sanno ee la soo dhaafay uu ku noolaa kana shaqeesanayay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa saxaafadda u sheegay in saxafigan uu u aaday Hargeysa siddii uu ugu soo bandhiggi lahaa buuggiisa FanIyoFannaan oo uga hadlayo fanka Soomaaliyeed iyo marxaladihii uu soo maray. 

Ma cadda illaa hadda sababta loo xiray, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Somaliland oo ku aadan weriyaha la xiray.

Waa saxafigii saddexaad ee lagu xiro Hargeysa, waxaa hadda dhowr bil ku jira xabsiga dhexe ee Hargeysa agaasimaha telefishanka MMTV Maxamed Ilig iyo saxafi kale.

Xarriga Cumar Seerbiya ayaa aad loo cambeeryay, waxaana soo baxaya cabsi ku saabsan in saxafiyiinta ka howlgalla deegannada Somaliland ay wajihi karaa xarrig iyo tacadiyo kale.

Radio Hormuud

Studio 3

NairobiI Kenya

Category