Xukuumada Jsl Oo Deegaanka Geed-deeble Ka Hirgalisay Xarunta Cilmi Baadhista iyo Tayeynta Dhirta

Hargaysa(RH):-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa Deegaanka Geed-deeble ee waqooyiga Hargeysa si rasmi ah uga dhagax dhigay Xarunta Cilmi baadhista iyo tayeynta dhirta.

Xaruntan oo ay hirgalisay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga Somaliland,ayaa  noqon doonta  Xarunta Cilmi baadhista iyo tayeynta dhirta Somaliland,isla markaasina noqondoonta Xaruntii Sadexaad ee laga hirgaliyo Mandaqada geeska Africa iyadoo labada Xarumood ee kale ay ku yaalaan dalalka Ethiopia iyo Sudan.

Xarunta ayaa la sheegay wax weyn ka Tari doonto barashada Dhirta kala duwan ee Somaliland ku taala, Iyo Dalxiiska, sidoo kalana noqon doonta Meelaha ay xogta raadinta iyo Cilmi-baadhista ku sameeyaan Ardayda Somaliland iyo Kuwa Jaamacadaha Dunida ee barta Culuumta La Xidhiidha Deegaanka ìyo Beeruha.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland  C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa Sheegay in Xarunta Cilmi baadhista dhirtu ay noqon doonto mid daraasado ku samaysa dhirta kala duwan ee alle ku galaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland Waxaanu Madaxweyne xigeenku amaan u soo jeediyey Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Miyiga ee hirgalinaysa Xaruntan.

Xaruntan ayaa wax weyn ka Taraysa barashada Dhirta kala duwan Somaliland.

 

Category