Hoggaamiye caalami ah oo ka tirsan kooxda ISIS ayaa degganaanjirey magaalada Göteborg ee Dalka Sweden

RH: Hoggaamiye Soomaali ah oo ka tirsan ISIS, kaasoo sannado ka hor degganaa dalka Sweden, ayaa khubaro sheegeen inuu yahay qof aad muhiim ugu ah shabakadda aragagixisada caalamiga ah.

Abdulkadir Mumin, oo khubarada qaar u aqoonsan yihiin inuu yahay hoggaamiye heer caalami ah oo katirsan  ISIS, ayaa la sheegay inuu ku noolaa magaalada Göteborg ee dalka Sweden, halkaas oo lagu tilmaamay inuu ku fikrada xagjirka ah kala yimid.

Warkan waxaa qoray wakaaladda wararka ee Sweden, TT.

Mumin waa hoggaamiyaha Soomaalida ee ISIS, waxaana falanqeeyayaal badan aaminsan yihiin inuu door caalami ah ka ciyaaro ururka.

  • Wuxuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha ugu sarreeya ee ISIS, ayuu yiri Magnus Ranstorp, oo ah cilmi-baadhe ku takhasusay argagixisada kana tirsan Dugsiga Difaaca Qaranka ee magaalada Stockholm, sida ay soo warisay TT.
  • Mumin ma aha khaliif, balse wuxuu u muuqdaa inuu yahay qofka isku xira howlgallada gobollada kala duwan ee ISIS, kuwaas oo ku jira Suuriya, Afrika, iyo  IS Khorasan Afghanistan. Tan dambe waxay fulisay qorsheyaal argagixiso oo ka dhan ah Yurub, ayuu raaciyay.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo tabisay in la yaab ay ku noqotay dadka falanqeeya argagixisada in ay ogaadaan cidda dhabta ah ee  khaliifka ay ISIS u magacowday, kaas oo ku hawlgala magaca Abu Hafs al-Hashimi al-Qurayshi, kaas oo ay aad uga taxadireen in la ogoodo xogtiisana ay aad u qariyaan.

Khaliifku waa qofka ay ISIS u aragto inuu yahay hoggaamiyaha caalamka Islaamka.

Hase yeeshee, waxaa laga yaabaa in Mumin uu yahay qofka ka hoggaamiya Soomaaliya hay’adda isku dubbaridka hawlaha ISIS ee loo yaqaan Generaldirektoratet for Provinserne (GDP), sida ay qortay AFP.

  • Waa qofka ugu muhiimsan, kan ugu awoodda badan. Waa qofka maamula shabakadda caalamiga ah ee ISIS, ayuu yiri khabiirka argagixisada ee dalka Denmark Tore Hamming oo la hadlay AFP.

Mumin waxa uu ku dhashay 1950-yadii gobolka isku magacaabay Puntland ee Soomaaliya. Intii lagu jiray 1990-meeyadii iyo 2000-meeyadii waxa uu, sida ay sheegeen TT, ku noolaa Göteborg isaga oo la joogay xaaskiisa iyo gabadhiisa.

Magnus Ranstorp oo ka hadlay daraasaddiisa ayaa tilmaamay in Soomaaligan lagu tashkiiliyey masjidka Bellevue ee Göteborg, halkaas oo la sheegay inuu dadka wax ugu sheegi jiray, isla markaana dadka kale ku fikradaysan jiray.

Waxaa la sheegay inuu sabab u noqday in dad badan oo reer Sweden ah ay ku biiraan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale lacag u aruuriyay kooxdaas.

Mumin waxa uu 2003 u guuray dalka Ingiriiska halkaas oo uu ka qaatay  jinsiyada  ingiriiska. Sida ay sheegtay AFP, waxa uu caan ku noqday khudbado kulul oo uu ka jeedin jiray masaajidda London iyo Leicester.

  • Halkaas ayuu ku bartay Mohammed Emwazi, oo markii dambe caan ku noqday magaca "Jihadi John", ayuu Ranstorp u sheegay TT.

Sanadkii 2010 ayuu Mumin ku noqday Soomaaliya kana bilaabey hawlaha uu ISIS u hayo ilaa maanta.

 

Category