Bahda Garsoorka Somaliland Oo looga Digay inay Ku Lug Yeeshaan Arrimaha Siyaasada Dalka

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland ayaa hawl-wadeenada garsoorka dalka uga digay in ay ku milmaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka dalka.

War ka soo baxay maxkamada sare JSL, kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Wararka Radio Hormuud ayaa u dhignaa sidan:-

Wareegto uu maanta oo ay taariikhdu tahay 25/02/2021 soo saaray guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa uga digay shaqaalaha maxkamadda sare in ay ka qayb qaataan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, iyadoo ay ka reebayaan sharciga iyo xeerka nidaamka garsoorku tartanka dhaq-dhaqaaqa ololaha doorashada ee deegaanka, baarlamaanka iyo madaxtooyada.

16-kii bishan ayaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalku wareegto ku socodsiisay, dhammaan guddoomiyayaasha maxkamadaha Racfaanada iyo ku-xigeenada xeer-ilaaliyaha guud ee gobolada dalka si loogu wargaliyo reebanaanta ka qayb-qaadashada dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee doorashooyinka.

Waxaana lala socodsiiyay in cidda garsoorka ka mid ah, ee danaynaysa in ay ka qayb noqoto goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda ay shaqada dawladda iska casisho 90 maalmood ka hor muddada doorashada, halka xubinta u hoggaansami wayda amarkaasina laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

 

Category