Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ansixiyay Xeerka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda

Hargeysa(RH):-Xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland ayaa Maanta Asixiyay Xeerka Nidaamka Ururada Iyo Asxaabta Siyaasada Qaranka Somaliland, xeer lanbar 14/2021, kaasi oo ay wax ka badal iyo kaabis ay ku soo sameeyeen golahaasi.

 

Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, ayaa qodob, qodob u ansixiyey Wax ka beddelka iyo kaabista Xeerka furista Ururrada Siyaasadda, kaas oo ogolaanaya in la furo ururro Siyaasaddeed marka uu walhtigoodu dhammaado Xisbiyada imika jira oo Liisankoodu dhacayo 2022-ka.

 

Fadhigaasi oo uu shurgudoominaayay gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax waxa ka soo xaadiray 45 xildhibaan ayaa  markii cod loo qaaday waxaa ogolaaday 40 xildhibaan ,waxa diiday 3 xildhibaan ,waxa ka aamusay 1 xildhibaan gudoomiyuhuna ma codeyn, sidaasi ayey xildhibaanadu ku meelmariyen xeerkaasi nidamka ururada iyo asxaabta siyaasada ee dalka.

Xeerkan, waxa oo uu ogolaanayaa in la sameeyo doorasho toos ah oo lagu dooranayo Ururro siyaasaddeed oo lagu dooranayo Barnaamijyadooda siyaasaddeed, iyada oo saddex urur ee ugu sarreeya noqon doonaan saddexda Xisbi Qaran ee Dalka.

Fadhigan, waxa dibedda ka joogay oo aan Hoolka soo gelin qaar ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga Waddani taageersan ee Golahaasi ku jira, kuwaas oo barxadda hore ee Hoolka codayntu ka socotay fadhiyey.

Mudaneyaashan, ayaa u muuqday kuwo ka biyo diidsan ansixinta Xeerka furista Ururrada siyaasadda, oo qaarkood sheegeen in Xildhibaannada Kulmiye dano gaar ah ka leeyihiin, isla markaana guddoomiyaha Golahaasi u xil saareen Mudaneyaal Kulmiye oo keliya

 

 

Category