Raysal wasaare Xamse oo tegay Laasacaanood

Laasacaanood (RH)-Magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaa maanta barqadii gaaray wafdi uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa si wayn u soo dhaweeyay maamulka SSC Khaatuma iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda FS oo horrey u joogay magaalada.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha oo qaadan doonta labo cisho, waxaana muddadaas uu la kulmi doonaa masuuliyiinta maamulka SSC-Khaatumo, Isimada iyo bulshada magaalada.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la joojiyay gaadidka magaalada ka soo gala dhinaca soohdimaha.

Somaliland ayaa horrey u sheegtay in safarka ra’iisal wasaaraha uu khatar amni ku yahay deegannada SSC Khaatuma oo ay la wareegeen sannadkii 2007-dii kadib dagaal ka dhacay magaalada.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ee maanta tagay Laascaanood, waxaa ka mid ahaa taliyaha ciidamada booliska, wasiirka amniga qaranka iyo wasiiro kale.

Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse Laascaanood ayaa noqoneysa tii u horreysay oo mas’uul sare oo ka tirsam Dowladda Fedraalka ku tego halkaas, tan iyo dhismihii Jamhuuriyaddii saddexaad.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category