Danyarta Deegaanka Fuqi-Fuliye Oo Xoolo Seko Ah Loo Qaybiyay

Fuqi-fuliye(RH):-Danyarta deegaanka Fuqi-fuliye ee koonfurta gobolka Sanaag, ayaa loo qaybiyay xoolo seko ah, waxaana u qaybiyay qaar ka mida culimada iyo waxgaradka gobolkaasi.

Culimada waayeel iyo waxgaradka gobolka Sanaag, ayaa sannadihii danbeeyay deegaanadaasi uga waday si tabarucaad ah soo ururinta iyo bixinta xoolaha sekada ah.

Dhanka kale dadkii sannadihii hore sekada la siiyay ayaa iyaguna soo bixiyay si walaalahooda kale ee danyarta ah loogu xooleeyo.

Muhiimada ugu weyn ee warbaahinta loogu soo bandhigay ayaa ah inay bulshada kale ku dayato oo ay is caawiyaan

Midka mida culimada gobolka Sanaag oo madashii dadka xoolaha lagu guddoonsiinayay ka hadlay ayaa yidhi.“Maanta waxaa aynu isugu nimid rugni rugniyada islaamku uu ku taagan yahay ka mid ah, xoolahan kuwii xeryahooda ka soo saaray ALLE haw barakeeyo, kuwa loo wado ee xeryahooda uu geli doonana ALLE haw barakeeyo”

“Sekada waala soo ururiyay dadka ayaa laga soo ururiyay, waxaana la siinaya dadkii loogu tallo galay oo ay ku baxaysay, waxaana warbaahinta loo keenay in lagu daydo oo sidaasi si la mid ah la yeelo”Ayuu yidhi mid ka mida waxgaradka gobolka Sanaag.

 

 

Category