Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hoggaaminayey Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana ay ka soo degeen madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada hargeysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa oo marti-qaad rasmi ah ugu maqnaa dalka Jabuuti

Dalka jabuuti ayaa maalmihii u dambeeyey waxaa soo gaadhay wufuud caalami ah oo daafaha dunida isaga timi, kuwaas oo ka qaybgalay caleemo-saarka madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii shalay ahayd qabsoontay.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxaa gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Xumbuli ee magaalada Jabuuti kusoo sagootiyey wasiirka xannaanada xoolaha, kalluumaysiga iyo biyaha Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.

 

Category