Madaxweyne ku-xigeenka Jsl Oo Kormeerey Dhismaha Cusub Ee Xarunta Gargaar Deg-Dega Ah.

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa dhawaan gudaha Cispitaalka guud ee Magaalada hargeysa ka hirgalisay dhismaha Xarunta caafimaadka gar-gaarka deg-dega ah.

 

Dhismaha   xaruntan  cusub ee gar-gaarka deg – dega ah ayaa ah goob u diyaarsan xaaladaha deg-dega ah ee xanuunnada sida Covid-19 oo kale ee u baahan goob gaar oo lagula tacaalo, looguna adeego bulshada xilliyaga adage ee ay dilaacaan xanuunnada faafa ama kuwa safmarka ah ee dalka soo mara.

Waxaana xarunta cusub gar-gaarka deg-dega ah loo aqoonsaday xarun qaran oo lagula dagaalami doono hadda wixii ka dameeya  xanuunnada u baahan in laga dhex saaro bukaannada kale, waxaana lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah xadhiga looga jaro.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna guddoomiyaha guddida ka hor tagga xanuunka Covid-19 oo ay weheliyaan Xubnaha kala duwan ee Gudida ka hortaga xanuunka Covid-19  ayaa maanta soo kormeeray dhismaha cusub ee xarunta gar-gaarka deg – deg ah oo ay maalgelisay xukuumadda Somaliland.

 

Category