Magaalada Berbera Oo laga Dhagax-dhigay Mashruuc lagu Horumarinayo Xeebta Batalaale

Berbera(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa Maanta Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil si rasmi ah  uga dhax-dhigtey mashruuc balaadhan oo lagu horumarinayo xeebta Batalaale ee ku taal magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, waxaanuu isugu jiraa samaynta dhismeyaal casri ah oo xeebtaasi yeelan doonto, goobo gaadiidka la dhigo, goobo lagu nasto iyo nadiifinta xeebtaas.

Dhagax dhiga Mashruucani  waxaa hadal ka jeediyay masuuliyiin ka socday midawga Yurub ee mashruucan maal-gelinaya oo uu horkacaayo u qaybsanaha midawga Yurub ee Somaliland iyo Somaaliya Nikloos Farlaanda, waxanay sheegeen in mashruucan oo ay ku baxayso todoba bilyan oo lacagta midawga Yurub ahi uu socon-doono muddo ku dhaw sannad, loona hirgelin-doono hannaan casri ah.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi iyo maayarka degmada Berbera Cadishakuur Maxamuud Xasan Cidin, waxaanay sheegeen in mashruucani noqon doono mid kaalin ka qaata horumarka ka socda guud ahaan gobolka Saaxil, siiba degmada Berbera, waxaanay Tilmaameen in uu sidoo kalew noqon doono mashruuc horumarin doona dalxiiska xeebta Batalaale.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa midawga Yurub uga mahad celiyay, mashruucan ay ka hirgelin doonaan xeebta Batalaale, waxaanuu wasiir Gaafaadhi sheegay Somaliland diyaar u tahay in dalkeeda ay ku soo dhawayso cidii ku samaynaysa maal-gashi caalami ah, isla markaana ka taageeraysa kaabeyaasha horumarinta oo dal-xiiskuna ka mid yahay.

 

Category