Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo Ka Hadashay Dacwado  La Xidhiidha Doorashooyinkii Oo Loo Soo Gudbiyey

Hargeysa(RH):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa sheegay in 23 dacwadood, oo la xidhiidha natiijadii hordhaca ahayd ee  doorashadii golaha Wakiillada ay mudaysay Maxkamadda Sare dhagaysiga dacwadahooda.

Maxkamada ayaa maanta fadhigii koowaad ee lagu dhagaysanayo dacwadahaasi bilowdey.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee  Somaliland Aadan Xaaji Cali waxuu sheegay in maalinta khamiistii 17/06/2021 ay ku ee kayd wakhtigii la qabanayay cabashooyinka murashaxiinta Golaha Wakiilada, kuwaasi oo ay tiradoodud dhamayd 25 cabasho oo 2 ka-mid ahi ka noqdeen, halka 23-kii cabasho ee kale loo gudbiyay Guddida Doorashooyinka Qaranka oo iyaguna 21/06/2021 ka soo jawaaay cabashadii ay Murashaxiintu kaga cabanayeen, waxaanu sheegay in shalay loo mudeeyay maantana si rasmi ah loo bilaabayo dhagaysiga dacwadaha.

Xisbiga Waddani 4 cabasho ayaa ka yimid, Xisbiga UCID waxa ka yimid 7, halka xisbiga Kulmiye ay ka yimaadeen 12 cabasho.

Marka gobol ahaan loo eego, gobolka Awdal waxa ka yimid 6 cabasho, gobolka Sool waxa ka yimid 5 cabasho, gobolka Togdheer waxa ka yimid 4 cabasho, gobolka Sanaag waxa ka yimid 2 cabasho, gobolka Saaxil waxa ka yimid 1 cabasho halka gobolka Maroodi-jeexna ay ka yimaadeen 5 cabasho.”

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali ayaa tilmaamay in maalmo kooban Maxkamadu ku soo af-jari doonto dacwadahaas

 

Category