Somaliland: Dad U Dhintay Xannuunka Covid-19 Oo Dib U Soo Laba Kacleeyay

Hargeysa(RH):-Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland, ayaa Xaqiijisay in 5 qof ay gudaha Somaliland ugu dhinteen caabuqa Covid-19 oo mar kale soo laba kacleeyay.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Bade oo warbaahinta kula hadlaayay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu kor u kac ku yimi xaaladda xanuunka safmarka ah ee Covid-19.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in bishii ugu dambaysay uu sare u kacay xaaladaha xanuunka Covid-19, isagoo sheegay in badhitaanno ay ku sameeyeen shalay oo keliya 400 oo qof ay ka heleen 20 ka mid ah, wasiirku waxa uu intaas daray in aanay weli garan nooca xanuunka Coronavirus, maadaama uu jiro nooc ka halis badan kii hore uu imika adduunyada si dhakhso ah ugu faafaya.

 

Wasiiru waxa uu intaas raaciyay in arrintani ay tahay mid werwer ku abuuraysa wasaaradda horumarinta caafimaadka isla markaana waajib ka dhigaysa in bulshada iyo qarankuba ay ka hawlgalaan sidii loola wada dagaalami xanuunkaasi.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland, isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.”Bishan aynu hadda ku jirno 140 ayaa xannuunka laga helay, bishii ka horeysay waxay ahayd kaliyaata 27 qof, tii kasii horeysay 22, qof marka waxan dareemi karnaa in uu koru kac aad ihi jiro, dhimashaduna ilaa hadda waxay maraysa 5 qof”

Wasiirka ayaa sheegay in kor u kaca wajiga saddexaad ee caabuqa Covid-19 uu qiyaas ahaantii 5% kor u kac sameeyay maalmahan u danbeeyey , marka laga qiyaas qaato tirada guud ee dadka la baadhay iyo inta caabuqa laga helay.“Maalmahan u danbeeyay xaaladaha xanuunka Covid-19 kor bay usoo kacayeen, shalay oo u danbaysay dadkii la baadhay oo ahaa 400 waxa laga helay 20 oo macnaheedu tahay 100 kii qof 5 qof ayaa qaba, arrintaasi waa arrin war war abuuraysa oo waajib ka dhigaysa in lala dagaalamo”  ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadku waxa uu ku boorriyay ciddii isku aragta tilmaamaha xanuunka Covid-19 inay yimaaddaan xarumaha caafimaadka, isagoo dhanka kale sheegay in tallaalka xanuunku uu ku diyaar yahay lixda xarumood ee caafimaadka ee magaalooyinka waaweyn ee dalka. Wasiirku waxa uu sheegay in muhiimad gaar ah ay leeyihiin dadka waaweyn, kuwa xanuunnada la nool iyo kuwii qaatay tallaalkan qaybtiisii hore.

 

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Bade waxa uu ugu baaqay bulshada inay ku dhaqanto tallaabooyinkii ay hore u soo rogtay wasaaradda horumarinta caafimaadka ee ahaa afxidhashada, nadaafadda iyo kala fogaanshaha.

Geesta baadhitaano ay Wasaarada  horumarinta caafimaadka Somaliland maanta samaysay ayaa xanuunka Covid-19 laga helay 40 qof.

 

 

Category