Somaliland Oo Hirgelinaysa Xafiiska Faaf–reebka Qoraalada Bahda Qalinleyda

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa ayaa shaacisay inay gacanta ku hayso hirgelinta hay’ad dowladdeed oo qaabilsan faaf-reebka Buugaagta ay qoraan bahda Qalinleyda Dalku.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa hadalkaasi ka sheegay Bandhigga Caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa oo sannadkii 14aad galay,

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo wacygelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxaa uu cadeeyey inay xukuumad ahaan gacanta ku hayaan sameynta Xafiis faaf-reeb oo ay ka hawl-geli doonaan khubaro ku xeel-dheer qoraalka Af-Soomaaliga.

Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore waxa uu sheegay in qorshaha ka dambeeyey hirgelinta xafiiska oo ay ka qayb-qaadan doonaan khubaro ku xeel-dheer Qoraalka Afka Soomaaliga ay tahay sidii ay u dhiirri-gelin lahaayeen hal-abuurka qoraalka.

“Waxaanu sameyn doona Xafiis faaf-reeb oo imika faraha lagu hayo, waa xafiiska aanu isleenahay, waxaad isugu-geysaan dad khubaro ah oo sixi kara qorista buugaagta bulshada lagu soo dhex-daynayo,” sidaas ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waxaanu doonaynaa inaanu dhiiri-gelino qorista oo ay bulshadu ka faa’iidaysato inay dadku wax qoraan”.

 

Category