Sweden: 17 jir walaashiis dilley

RH: Wiil 17 sano jir ah ayaa lagu xiray xabsi ku yaalla magaalada Göteborg ee dalka Sweden kadib markii lagu soo eedeeyay dilka walaashiis.

Sida ay soo weriyeen wargeysyada Expressen iyo Aftonbladet, wiilka ayaa loo haystaa inuu walaashiis ku dilay mindida jikada  toddobaadkii hore.

Wiilku waxa uu beeniyey eedeymaha dilka ah. Sida uu sheegayo wargeyska Expressen, xiisad ku saabsan xeedhiga telenoonka lagu dabeeyo  ayaa sababtay inay walaalaha isku dhacaan taasoo ugu dambayntii keentay in la isku mindiyeeyo. Si kastaba ha ahaatee, boolisku weli ma aysan xaqiijin arrintan.

Wiilku wuxuu sheegay inuu doonayay oo kaliya inuu cabsi geliyo walaashiis, uuna shil ahaan ugu mindiyeeyay, sida uu booliska u sheegay. Hooyadood iyo walaalo kale ayaa ku sugnaa guriga markii ay dhacdadu dhacday Khamiistii.

Booliisku waxay ku qiyaaseen in dhacdadu ay dhex martay wiilka iyo walaashiis oo kaliya, mana jiraan cid kale oo looga shakisan yahay ama ku lug leh arrintan.

Category