Xuska Maalinta Qaxoontiga Adduunka Oo Lagu Qabtay Hargeysa

Hargeysa(RH):-Waxaa Caasimada Somaliland ee hargeysa lagu qabtey munaasibad lagu xusaayay xuska maalinta qaxoontiga adduunka oo sanad walba maantoo kale  caalamka laga xuso.

 

Guddoomiyaha hay’ada barakacayaasha qaranka iyo qaxoontiga Somaliland ayaa ka qayb galay Munaasibaddan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda UNHCR ayaa waxa lagaga hadlaayay duruufaha ku xeeran qaxoontiga adduunka iyo sidii wax looga qaban lahaa. Waxaana ugu horreyn munaasibaddaasi ka hadlay guddoomiyaha hay’adda barakacayaasha iyo qaxoontiga qaranka Cabdikariin Axmed Maxamed Xinif, waxaana uu sheegay in dadka ku nool Somaliland ee qaxoontiga ahi ay yihiin jinsiyado kala duwan isla markaana ay ugu nool yihiin Somaliland si nabad’gelyo ah, waxaanu intaas ku daray in qaranka Somaliland oo damaanad qaaday nabadgelyada dadkaasi iyo inay si nabada ugu noolaadaan dalka iyadoo duruufo dhaqaale ay jiraan.

Dhanka kale, guddoomiyuhu waxa uu sheegay in hay’adda barakacayaasha qaranka iyo qaxoontiga Somaliland ay diwaan’gelisay 14 ooo oo qof oo qaxoonti iyo magan’gelyo doon ah, isagoo tilmaamay in dadkaasi ay ku joogaan dalka ogolaansho ay ogolaadeen xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka soo maray. Waxaana uu xusay in dadkaasi ay dalka sii joogi doonaan illaa iyo inta duruufihii ay uga yimaaddeen dalalkooda ay wax iska badalayaan.

Gebogebadii guddoomiyihu waxa uu sheegay in hay’adda barakacayaasha qaranka iyo qaxoontiga Somaliland oo badashay wasaaraddii dib u dejinta oo la bilaabantay 1991-kii illaa iyo maanta ay barakacayaasha iyo qaxoontiga ku sugan Somaliland ay leeyihiin hay’ad qaabilsan oo arrimahooda la socota, waxaana uu sheegay in taasi ay caddaynayso sida xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland ay isugu taxaluujiyeen dadka tabaalaysan ee qaxoontiga ah.

 

Category