Afgooye (RH)-Goolhayihii hore ee xulka kubadda cagta ee Soomaaliya, Jaylaani Khaliif Maxamed ayaa Isniintii shaley ku geeriyooday duleedka magaalaa Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Marxuumka ayaa la sheegay inuu maalmahan dambe iska xanuunsanaa, waxaana uu ahaa qof da' ah.
Dadka yaqaanna waxa ay ku tilmaameen in uu ahaa goolhayihii ugu fiicnaa ee soo maaraya kooxihi kubbada cagta Soomaaliya.
Marxuumka ayaa kubadda cagta ku jiray intii u dhexeysay 1960-kii illaa 1980-kii.
Marxuumka oo lagu nanaaneesi jiray “Baba Jeey” ayaa intiisa badan u cayaaray kooxdii heerka koowaad ee Horseed ee booliska Soomaaliya, waxaana sidoo kale u cayaaray xulka qaranka isagoo u saftay in ka badan 100 kulan.
Allaha u naxariisto marxuumka ayaa markii dagaallada sokeeye ka dhacay, waxa uu u gaaray tuulada Ma guurto ee ku taalla duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia