“Cidkasta Oo Isku Dayda In ay Mudaharaad Sameyso Waanu Ka Hortagaynaa” Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland

Hargeysa(RH):-Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa heegan buuxa la galiyay, kadib mudaharadadii ay ku baaqeen xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, oo ciidamo booliis ah u kala diray xaafadaha magaalada Hargaysa, ayaa ku goodiyay in ciidanku ay gacan adag ku qaban doonaan cidkasta oo amni daro abuurta.

Waxa uu bulshada caasimada ugu baaqay inay abnigooda ilaashadaan, isla markaana ka fogaadaan waxkasta oo nabadgelyada waxyeelaya.

Taliye Dabagale waxa uu ka digay in aan wax mudaharaad ah la qaban Karin, waxaanu ciidamada ku amray inay gacan bir ah ku qabtaan ciddi isku dayda inay qas sameyso.

Waxaanu yidhi.”Waxan idiin sheegayaa waxaynu u diyaar garoobaynaa abniga guddaha oo dhan in aynu gacmo adag ku qabano, cida doonaysa in ay ina khal khal galiso waxay doontaba ha ahaatee, amniga ayaynu adkaynaynaa, cidkasta oo doonaysa in ay amniga khal khal galisana u dul qaadan mayno ee labada gacmood ayaynu iskugu gaynaynaa”

Taliyaha ayaa sheegay in dhamaan ciidanka heegan la galiyay “Laga bilaabo imika ciidamadeena heegan baynu galinaynaa, waxaynu u diyaar garoobaynaa dhacdo kasta oo howlaha shaqooyin keena qaranka ku saabsan, soona hoos gala shaqooyinka Qaranku qabanayo ee adag, dhacdo kasta oo lidi ku ah, oo abniga lidi ku ah inagu abniga ayaynu qaabilsanahe noocay doonto ha ahaate, ayaynu u diyaar garoobaynaa, sarkaal iyo qofkasta in aynu heegan ahaano, oo si xilkasnnimo ah u diyaar garoobaynaa, wixii aynu garanwaynana inaga oo awaamiir ku shaqeynayna aynu gacmo adag ku qabano haddii ILLAAHEY yidhaahdo”.

“Waxa kale oo aan idin faraya bulshadeena in aynu u dhibirsanaano, soo dhaweyno, is dhexgalo, aynu la shaqeyno inalana shaqeeyaan, iyaga ayaynu u taganahay”

Taliye Dabagale waxa uu ka digay in aan wax mudaharaad ah la qaban Karin, waxaanu ciidamada ku amray inay gacan bir ah ku qabtaan ciddi isku dayda inay qas sameyso.

Waxa uu bulshada ugu baaqay inay abnigooda ilaashadaan, isla markaana ay ka fogaadaan waxa kasta oo nabadgelyada waxyeelaya.

Waxaanu yidhi.“Bulshada waxa aanu ka codsanayna in ay abnigooda ilaashadaan, ayaamahan waxa dhagaheena ku badanaysay mudaharaad mudaharaad, adeer Soomaalidu meelkasta oo ay joogto mudaharaadka ma taqaano, 30-ka sano ee aynu joognay waala mudaharaadayay, bulshada caalamku waxa ay u mudaharaadaan boodhadh ayay soo qaataan, oo ay dariiqa maraan, oo boodhka ay ku sheegaan waxa ay doonayaan, afkana ay ka hadlaan, ciidanka booliskuna hareeraha ka raaco, dadkeenu ma yaqaano taasi, laamida ayay gubaan oo taayiro ayay ku gubaan oo khasaare ayaa ka dhasha, guryaha ayay jajabiyaan, way is boobaan, askarta ayay shiidaan, taasi macnaheeduna waa fowdo, markay taasi dhacdana askartuna tallaabo ayay qaada ilayn fawdo u adkaysan mayso ee abniga ayay xasilinaysaaye, deetana dhimasho dhaawac iyo xadhigba waa uu yimaada, marka cidkasta oo isku dayda in ay mudaharaad sameyso waynu ka hortagayna gacan bir ahna waynu ku qabanaynaa,”

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo UCID, ayaa kulan warbaahineed ay qabteen Isniintii ku sheegay in ay qaban doonaan mudaharaado.

Waxaanay Mucaaradka iyo xukuumada somaliland ilaa hada  isku afgaran laayihiin  nidaamka mudaharaadkaasi loo qabanayo.

 

 

Category